MUQDISHO, Soomaaliya — Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa Muqdisho ku qaabilay Danjiraha cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Mudane László Eduárd Máthé, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka oo ahaa mid isbarasho iyo soo dhoweyn ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee horumarinta kaabayaasha iyo hay’adaha dowladda.
Danjiraha cusub ayaa xaqiijiyay in Midowga Yurub uu sii wadi doono taageerada uu Soomaaliya ka siiyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Dowladdaha Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, taas oo qeyb ka ah dadaallada horumarineed ee dalka.



