Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo xilkii ka qaaday Xoghayihii guud

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Guulle Yuusuf ayaa xilkii ka qaaday Xoghayaha guud ee guddiga doorashooyinka federaalka.

Qoraal maanta ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federal ayaa lagu yiri:-

Markaan aragnay in uu waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aanadii ka soo baxay guddiga doorashooyinka.

Markaan aragnay in uu soo saaray qoraallo badan oo carqalad ku ah howlaha guddiga.

markaan garwaaqsanay in uu qas ku yahay hannaanka doorashada ,kana shaqeynaayo iska hor imaad,waxaan go’aansanay laga blaabo maanta xilkii laga qaaday xoghayaha guud ee guddigaasi C/Raxiim C/casiis Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here