Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xariga ka Jaray Waddada Sheekh Cali Suufi

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray waddada Sheekh Cali Suufi ee degmada Hodan, ka dib markii dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay waddadaas, oo muddo dheer saameyn ku haysay isu-socodka shacabka.

 

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddadaan uu qeyb ka yahay iskaashiga ka dhaxeeya bulshada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana canshuurta laga qaado bulshada dib loogu celiyo adeegyada bulshada. Wuxuu xusay in guulaha laga gaaray dhanka amniga iyo dowladnimada ay waddadaan u fureen horumar muuqda, isagoo shacabka ku boorriyay inay ilaashadaan nabadgelyada oo la shaqeeyaan laamaha amniga.

Dr. Muungaab ayaa hoosta ka xariiqay in dib-u-dhiska isku dheelitiran ee magaalada Muqdisho uu socdo, isla markaana uu rajeynayo in dhawaan ay isku xirmi doonaan isgoyska Al-Baraka ilaa isgoyska Dabka. Sidoo kale, waddada Warshadaha ayaa la qorsheynayaa in la dhiso, iyadoo la barbar dhigi doono dhireynta, naleynta, iyo qurxinta guud ee caasimadda.

Ugu dambeyn, Duqa Muqdisho wuxuu shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan badqabka iyo nadaafadda waddada, isagoo sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir uu dhawaan soo saari doono xeerka nadaafadda, si qofkii ku xadgudba nadaafadda talaabo sharciga waafaqsan loogu qaado.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people, street and road

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here