Guddoomiyaha gobolka Gedo oo ka horyimid guddigii uu magacaabay R/W Rooble

0

GARBAHAAREY (SMN) – Axmed Buulle Gareed oo ah guddoomiyaha maamulka gobolka Gedo ayaa ka horyimid guddigii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u xil-saaray doorashada Garbahaarey.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ay leedahay saddex guddi, balse loo soo diray Abuukaate Cumar Dhagey oo uu tilmaamay inuu leeyahay dano gaar ah.

“Ra’iisul wasaare Rooble waxaan ka sugeynay guddiga doorashadda, balse nin dano kale ka shaqeenayo ayaad noo soo dirtay, heshiiska 17 Sep waa in la tix galiyaa,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Ra’iisul Wasaare guddiga uu Cumar Dhagey madaxda ka yahay ee aad magacowday waxaan ognahay natiijada ay keeni doonaan, mana ku qanacsanin,”.

Halkan hoose ka daawo shirka jaraa’id:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here