NAIROBI – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa booqday xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya, Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle, iyo diblomaasiyiinta kale ee safaaradda.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in safaaraddu ay mas’uul ka tahay matalaadda qaranka, ilaalinta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xoojinta xiriirka labada dal. Waxa uu dhiirrigeliyey dadaallada diblomaasiyadeed iyo adeegyada ay safaaraddu u hayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa u mahadceliyey safiirka iyo dhammaan hawlwadeennada safaaradda, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan u adeegidda bulshada Soomaaliyeed iyo ilaalinta sharafta qaranka.




