Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray dhalinyarada

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa hambalyo ku aaddan xuska May 15 Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed, oo ku beegan sanad-guurada 79-aad ee aas-aaskii Golahii Dhalinyarada Soomaaliyeed (SYL) u diray dhallinyarada guud ahaan.

Dhallinyaradii SYL waxay naf, maal  iyo maskaxba u soo hureen xorriyadda dalkeena.

“Maanta waxay ku suntan tahay maalin taariikhi ah, halgan iyo dadaal loo soo maray dadkeenna iyo dalkeenaba, waxaan dhalinyarada Somaaaliyeed u rajeynaa guul meel walba ay joogaan”. ayuu yiri guddoomiyaha golaha shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here