Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray dhismo cusub oo casri ah oo lagu kordhiyay xarunta Baarlamaanka

0

MUQDISHO – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Xoghayaha Guud ee Golaha, ayaa kormeer ku tagay dhismo cusub oo ka kooban xafiisyo iyo qeybo kale oo casri ah, kaas oo lagu soo kordhiyay xarunta Golaha Shacabka.

 

Guddoomiyaha ayaa inta uu kormeerka ku guda jiray si dhow u indha-indheeyay xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee dhismaha cusub, isagoo bogaadiyay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada ka shaqeeyay hirgelinta mashruucan. Waxa uu ku ammaanay dadaalka, kartida iyo tayada shaqo ee ay muujiyeen intii uu socday dhismaha.

Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in dhismahan cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono tayeynta iyo hufnaanta howlaha Golaha Shacabka, isla markaana uu si weyn u wanaajin doono adeegyada shaqo ee uu Goluhu u hayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay horumarinta kaabeyaasha shaqo ee hay’adaha dastuuriga ah, si loo helo jawi shaqo oo ku habboon gudashada waajibaadka qaran ee Golaha Shacabka u xilsaaran yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here