Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kormeeray dib-u-dhiska xarunta Villa Hargeysa

0

MUQDISHO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kormeer ku sameeyey qayb ka mid ah xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, halkaas oo ay ka socdaan hawlo dib-u-dhis, dayactir iyo casriyeyn ah.

Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd in Guddoomiyuhu qiimeeyo heerka ay marayaan hawlaha socda, tayada shaqada iyo habsami-u-socodka mashruuca, kaas oo qayb ka ah qorshaha lagu horumarinayo laguna casriyeynayo xarumaha Golaha Shacabka.

Intii uu kormeerka ku jiray, Guddoomiye Jaamac ayaa faray masuuliyiinta hawlaha gacanta ku haya in shaqada loo sii wado si hufan oo tayo leh, isaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la helo xarumo shaqo oo casri ah, habboon, isla markaana fududeeya gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha Shacabka.

Casriyeynta xarumaha ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee hoggaanka Golaha Shacabka ee lagu horumarinayo kaabayaasha iyo adeegyada baarlamaanka, si loo abuuro jawi shaqo oo ku habboon xildhibaannada, guddiyada iyo shaqaalaha baarlamaanka.

Mashruucan ayaa sidoo kale ujeedkiisu yahay in xarumaha Golaha Shacabka la waafajiyo heerarka casriga ah ee xarumaha baarlamaannada caalamka, iyadoo la tayeynayo goobaha ay ka dhacaan hawlaha sharci-dejinta iyo maamulka baarlamaanka.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan waqtiga la filayo in la soo gabagabeeyo hawlaha dib-u-dhiska ama kharashka ku baxaya mashruuca.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here