Muqdisho — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyadoo kulanka diiradda lagu saaray xaaladda ka taagan deegaanada maamulkaasi.
Odayaasha dhaqanka ayaa Guddoomiyaha la wadaagay xaaladaha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in xal waara laga gaaro dhibaatooyinka taagan, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa uga mahadceliyay odayaasha kaalintooda ku aaddan horumarka iyo nabadeynta, wuxuuna ku booriyay inay sii xoojiyaan dadaalladooda ku wajahan adkeynta dowladnimada iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay deegaanada Koonfur Galbeed ka jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo amni, kuwaas oo sii kordhiyay walaaca ku aaddan xaaladda guud ee maamulkaasi. Arrintan ayaa daba socota go’aan uu maamulka Koonfur Galbeed ku sheegay inuu ku hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay dowladda federaalka, taas oo sii adkaysay xaaladda siyaasadeed ee jirta.
Kulanka ayaa qeyb ka ah dadaallada ay ku sheegtay dowlada in lagu xoojinayo wadatashiga iyo iskaashiga u dhexeeya dowladda federaalka iyo bulshada, si xal waara looga gaaro xaaladaha cakiran ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed.





