MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Golaha Shacabka iyo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
James Swan ayaa Guddoomiyaha siiyay faahfaahin ku saabsan howlaha uu xafiiska UN-ka ka wado gudaha dalka, isagoo adkeeyay sida ay uga go’an tahay in Qaramada Midoobay ay sii garab istaagto shacabka Soomaaliyeed.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhankiisa ammaanay xiriirka wanaagsan ee u dhexeeya Golaha Shacabka iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna uga mahadceliyay doorkooda muuqda ee taageerada iyo horumarka Soomaaliya.
Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyay in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda taageero ee dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo horumarinta hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa lagu soo afjaray is-afgarad ku saabsan sii wadidda wadashaqeynta iyo xoojinta taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya.








