MUQDISHO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan la qaatay madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay, kaas oo looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka iyo warbaahinta, ilaalinta madaxbannaanida saxaafadda iyo dhowrista xorriyadda hadalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka u dhexeeya Golaha Shacabka iyo warbaahinta, daahfurnaanta, gudbinta xog sugan, ka hortagga wararka been-abuurka ah iyo kor u qaadista wacyiga bulshada Soomaaliyeed.
Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in warbaahinta xorta ah, oo qabata dabagal iyo dhaliil wax dhisaysa, ay door muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in warbaahintu ay tahay tiir muhiim u ah isku xirka Golaha Shacabka iyo bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn ku dhisan isfaham, furfurnaan iyo dhowrista xorriyadda saxaafadda.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale madaxda warbaahinta ugu baaqay inay kaalin ka qaataan ka hortagga faafinta wararka been-abuurka ah iyo dacaayadaha, kuwaas oo uu sheegay inay u adeegaan Al-Shabaab iyo kooxo ama shaqsiyaad kale oo doonaya inay waxyeelleeyaan danaha qaranka iyo dowladnimada Soomaaliyeed.
Wuxuu ku boorriyay warbaahinta inay xoojiso wacyigelinta bulshada, isla markaana ay ku dadaasho tebinta warar sugan oo masuuliyad ku dhisan, kana tarjumaya danta guud.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodo la xiriira kaalinta saxaafadda madaxbannaan ay ku leedahay isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo xiriirka u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo shacabka.
Warbaahinta Soomaaliya waxaa ku jira telefishinno, idaacado, wargeysyo iyo mareegaha wararka ee dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Suxufiyiinta dalka ayaa weli wajahaya caqabado la xiriira amniga, xiisadaha siyaasadeed iyo ilaalinta xorriyadda saxaafadda.
Ujeeddooyinka kulanka waxaa ka mid ahaa xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay, iyadoo la dhiirrigelinayo tebinta xog sugan iyo saxaafad masuuliyad ku dhisan.



