Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Qaabilay Guddi Iskood Isugubayd Nabadaynta Koonfur Galbeed

0

MUQDISHO, Soomaaliya — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay guddi iskood isku xilqaamay oo u taagan nabadeynta iyo xasilloonida Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddigan oo ay ka kooban yihiin ganacsato, culimo iyo xubno ka tirsan qurba-joogta ayaa Guddoomiyaha u soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta dowlad-dhiska, xoojinta dib-u-heshiisiinta bulshada iyo adkeynta nabadda.

Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa bogaadiyey dadaalka iyo doorka firfircoon ee ay qeybaha kala duwan ee bulshadu ka qaadanayaan nabadeynta, wadajirka iyo horumarka deegaannada Koonfur Galbeed.

Kulanka ka dhacay xafiiska Guddoomiyaha ee Muqdisho waxaa sidoo kale ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here