Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo booqday Hay’adda SoDMA + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kormeeray xarunta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA ayaa ugu hambalyeeyay mudadii sanadka ahayd ee hay’addu jirtay, waxaana uu xusay in wax badan oo la taaban karo ay u qabteen shacabka Soomaaliyeed.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane; Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa si weyn ugu mahad celiyay booqashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo kaga warbixiyay guud ahaan xaaladaha bani’aadannimo ee dalka ka jirta si gaarna ah xaaladaha abaarta, fatahaadaha, khataraha guud ee is-beddelka cimilada iyo sida ay Hay’adda kaga qayb qaadatay ka jawaabista iyo gurmadka deg-degga ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay soo dhoweynta iyo wax ka ogaashaha Hay’adda SoDMA, isagoo Dowladda iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la garab istaago Hay’adda SoDMA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa ugu danbeeyn ballan qaaday in Golaha Shacabka ay si dhow ula shaqeeyn doonaan hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here