Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada oo ka hadlay arrimo xasaasi ah

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Xasan Cali Nuur (Shuute) oo la hadlayay ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan askar, saraakiil iyo ganacsato si hoose ula shaqeeya Al-Shabaab, kuwaas oo qaarkood lasoo qabtay, isla-markaana la horgeeyay maxkamadda ciidamada, sida horay u dhacday.

 

Shuute ayaa sheegay in baaris guud ay ku hayaan ciidamada iyo shaqsiyaadka kale ee gacan saarka laleh Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in tallaabo adag laga qaadi doono.

Sidoo kale wuxuu ciidamada Soomaaliyeed kula dardaarmay inay feejignaan muujiyaan, isla-markaana ay si wanaagsan u gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli ay tuhuno ka dhasheen weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, gaar ahaan kii Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo qaraxyadii ka horreeyay ee ka dhacay caasimada oo ay kamid yihiin weeraradii lagu qaaday xarunta gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here