Guddoomiyaha maxkamadda sare oo shir uga qeyb-galay Masar + Sawirro

0

Guddoomiyaha Maxkmada sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo ku sugan Magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa ka qeyb-galay Kulanka 5-aad ee guddoomiyaasha maxkamadaha sare,maxkamadaha dastuuriga iyo Goleyaasha dastuurka ee Africa oo sanadkiiba mar lagu qabtay dalka Masar.

โ€œWaxaan magaalada Qahira kaga qaybgalay kulanka 5aad ee Heerkiisu sarreeyo ee Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Sare, Maxkamaddaha Dasruuriga iyo Goleyaasha Dastuuriga ee Afrika oo sanad kasta lagu qabto dalka Masar.

Guddoomiye Baashi Yuusuf ayaa sheegay in shirkaan looga hadlay qodobo badan oo la xiriira arrimaha garsaarka gaar ahaan caqabadaha la dagaalanka Argagixisada, kobcinta dhaqaalaha cagaaran, caddaalada elektroonik ah ( E-Justice), dhaqanka wanaagsan ee garsoorka iyo caddaalada doorashooyinka la xidhiidha.

Guddoomiyaha maxkamada sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa sidoo kale inta uu ku sugan yahay waxa uu kulamo la qaadan doonaan dhigiisa dalalka wadamada africaanka ee ka qeyb-galaya shirk iyo sidoo kale masuuliyiinta dalka Masar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here