Addis Ababa — Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan weerarrada milatari ee la sheegay in Mareykanka iyo Israel ay si wadajir ah uga fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla gudaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, isagoo ku tilmaamay tallaabadan mid sii hurin karta colaadda Bariga Dhexe isla markaana khatar gelin karta nabadda caalamka.
Guddoomiyuhu wuxuu ku baaqay is-xakamayn degdeg ah, hoos u dhigista xiisadda iyo wadahadal joogto ah, isaga oo adkeeyay in dhammaan dhinacyadu ku dhaqmaan sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay si loo ilaaliyo nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.
Wuxuu ka digay in sii kordhinta colaadda ay sababi karto xasillooni darro caalami ah, saameyn ku timaadda suuqyada tamarta, cunto yari iyo hoos u dhac dhaqaale, gaar ahaan qaaradda Afrika oo horey ula tacaalaysay culaysyo dhaqaale iyo amni.
Sidoo kale, Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso inay mudnaanta siiyaan xal diblomaasiyadeed, oo ay ku jiraan dadaallada dhexdhexaadinta caalamiga ah ee uu fududeeyo Saldanadda Cumaan (Oman), si looga hortago xaalad ka sii darto.
Ugu dambeyn, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ku celceliyay in nabad waarta lagu gaari karo oo keliya diblomaasiyad, isla markaana aan lagu heli karin awood ciidan.





