Guddoomiyaha SoDMA oo gargaar kala wareegay Hay’ad Turki ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamuud Moallim Abdulle ayaa maanta waxa uu shixnad mucaawino gargaar ah ka guddoomay Hay’adda IHH oo ah Hay’adda Turki ah kana shaqeysa caawinta iyo bini’aadamnimada.

 

Shixnaddaan gargaar ayaa iskugu jirta Raashin, Marakaneeco, Baco ay roobka uga ganbadaan Qoysaska ka barakacay daadadkaan, iyo Qaybaha kala duwan ee Macuunta.

Gargaarkaan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo Shacabka Soomaaliyeed ee daadadka ElNiño iyo fatahaadaha ay sameenta ka soo gareen, kuwaas oo haatan wajahaya nolol adag.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here