Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay madaxweynaha HirShabelle + Sawirro

0

JOWHAR (SMN) – Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md.Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabeelle.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa kulan gaar ah xarunta madaxtooyada Hirshabeelle kula qaatay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Md. Cali Guudlaawe Xuseen ,iyaga oo kawada hadlay sameentii ka dhalatay roobabka El-NiƱo ee dhammaadkii sanadkii tagay iyo in uu Maamulka u diyaar garoowo ka hor tagga roobka Gu’ga kaas oo laga cabsiqabo in uu wato daadad iyo fatahaado.

Kulankaan waxaa qayb ka ahaa Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, Maamulka Gobolka Shabeeladda Dhexe iyo Masuuliyiin SoDMA ka socday.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here