Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

0

Muqdisho  – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryan Qaasim.

 

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta labada dhinac, is-dhaafsiga xogta iyo xaaladda bani’aadannimo ee dalka, gaar ahaan xaaladaha ay wajahayaan dadka nugul ee ay saameeyeen musiibooyinka.

Mas’uuliyiinta SoDMA ayaa Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka uga warbixiyay dadaallada Hay’addu ku bixiso u-diyaargarowga iyo ka jawaabista musiibooyinka, iyo sidoo kale gurmadka bani’aadannimo ee loo fidiyo bulshada ay saameeyeen xaaladaha adag. Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo xog-is-dhaafsiga, si loo horumariyo habka looga jawaabayo xaaladaha bani’aadannimo ee dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulanka ku tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo taageerada bulshada Soomaaliyeed ee wajahaysa xaaladaha bani’aadannimo.May be an image of ‎one or more people and ‎text that says "‎DISASTER MANAGEMENT Ααο 100 JAGM وارث ان لإدارة OMALI DISAD MAAREW الوظ UEHACTO C‎"‎‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here