Guddoomiyaha SoDMA oo sheegay inay diyaar u yihiin in gurmad la gaarsiiyo Gaza

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle oo la hadlayay boqolaal dadweyne oo isugu soo baxay xuska qarixii 29 October 2022-kii ayaa sheegay in Hay’addu iyo shacabka Soomaaliyeed diyaar la yihiin in dhaqaatiir iyo gar-gaar kale la gaarsiiyo magaalada Gaza marka la furo marinka Rafax ee xuduudda Falastiin iyo Masar.

 

“Hay’adda Maareynta Musiibooyinka waxay ku talagashay hadii la furo marinka Rafax ee Masar inay u diri doonto gar-gaar ummadda Soomaaliyeed laga qaaday, waxaa diyaar ah dhaqaatiir, waxaana geyneynaa kaalmo loogu gurmanayo walaalaha reer Gaza” ayuu yiri guddoomiye Maxamuud Macallin Cabdulle

Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa Yahuudda ku tilmaamay kuwa arxan daran oo xasuuqaya shacabka magaalada Gaza, isagoo sheegay in ay lamid yihiin gumaadka khawaarijta ay shacabka Soomaaliyeed ku hayso.

“Cadowga Khawaarijta ee inta nagu gumaadayo iyo kan Yahuudda ee Gaza gumaadayo waa isku mid”.

Dhimashada ilaa iyo hadda ayaa kor u dhaaftay 7700 Shahiid oo 3195 caruur yihiin, iyadoo Israel loogu baaqay in xasuuqa ka socda halkaas joojiso balse diiday, waxaana teegeero aan gabasho lahayn la garab istaagay dalalka reer galbeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here