Munaasabad lagu xusayay qaraxii Soobe 2 oo lagu qabtay Muqdisho + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Munaasabad xus iyo xasuus ah looguna duceynayay shacabkii ku shahiiday weerarkii Al-Shabaab 29-kii October 2022 ka fuliyeen isgosyka Soobe ayaa maanta lagu qabtay isla goobtii uu weerarku ka dhacay sanad ka hor maanta oo kale.

 

Munaasabaddaan oo sidoo kale lagu muujinayay sida aysan bahda waxbarashada u niyad-jabineynin beegsiga Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka gaysata magaalada Muqdisho.

Wasiiradda Caafimaadka,Waxbarashada,Arrimaha gudaha, Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, ayaa goobjoog ka ahaa munaasabdaan, kuwaas oo hadallo ka jeediya madasha.

Maalmo kahor ayaa sidaan oo kale Muqdisho looga xusay qaraxii-ka October oo isna 2017-kii ka dhacay isgoyska Zoobe, islamarkaana galaaftay nolosha dad badan oo Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here