JOWHAR (SMN) – Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xalay xilkii ka qaaday gudoomiyihii maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cali Jayte Cismaan, kadib wareegto uu soo saaray.
Xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa waxaa sidoo kale loo magacaabay Mudane Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).
Cali Jayte Cismaan ayaa aad loogu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay wajiga koowaad ee dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab.
Si kastaba, xilka qaadistiisa ayaa timid, ayada oo muddooyinkii lasoo dhaafay uu taagnaa khilaaf u dhexeeyay guddoomiyihii hore ee Hiiraan iyo hoggaanka sare ee Hirshabeelle.