Guddoomiye cusub oo loo doortay Guddiga Xallinta Khilaafaadka

0

MUQDISHO (SMN) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa maanta lagu qabtay doorashada guddoomiyaha cusub ee guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka, kadib markii la eryey guddoomiyihii hore.

Xubnaha guddiga ayaa guddoomiyaha cusub u doortay Mudane Maxamed Cawil Warsame, kadib markii uu tanaasulay & musharaxii la tartamayey Mustaf Macalin Cali.

Codeynta ayaa u dhacday qaab gacan taag ah, iyada oo ugu dambeyn kusoo baxay Maxamed Cawil oo ka mid ah xubnihii uu Rooble ku beddalay todobadii xubnood ee uu horay uga saaray Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Ee Heer Federaal.

Guddigan ayaa muhiim u ah doorashada socota ee Golaha Shacabka, waana midka go’aanka kama dambeysta ah ka gaarayo kuraasta ay ka timaado cabashada.

Doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo ka hor 25 febraayo ee sanadkan 2022-ka, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ay dhowaan ku gaareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomalaiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here