Guddoomiye Muudey oo ka warbixiyey is hortaaggii lagu sameeyey + Vedio

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa ka warbixiyey is hortaag uu sheegay in maanta lagu sameeyey, xilli uu doonayey inuu ka duulo garoonka Aadan Cadde.

Muudey ayaa sheegay inuu kusii jeeday magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose, si uu uga qayb-galo doorashada ka dhaceysa halkaasi.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka ayaa eedeyn u jeediyey maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu sheegay inuu kasoo baxay amarka lagu hor-istaagay.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here