Guddoomiyihii deegaanka Leego oo qarax lagu dilay & Wararkii ugu dambeeyey

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qarax nooca miinada ah oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu dilay guddoomiyihii maamulka deegaanka leego Marxuum Xasan Gucdur, kadib markii qarax miino loo galiyey hoy uu ka dagan yahay degmada Wanlaweyn ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaraxaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid ah ilaalada guddoomiyaha deegaanka Leego, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaadka, si loogu daaweeyo.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo qaraxa, kadib howl-gallo ka sameeyey gudaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro khasaare geysta ka fulisa gobollada dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here