Guddoonka BF Soomaaliya oo kulan la yeeshay safiirka Sacuudiga + Ujeedka

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliso Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya danjire Ahmed Bin Mohamed Almowallad.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa soo dhoweeyay doorka boqortooyada Sucuudiga ee ku aaddan horumarinta iyo garab istaaga joogtada ah ay ku leedahay dalkeena.

Sidoo kale Danjire Ahmed Bin Mohamed Almowallad ayaa salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka cusub ee Golaha Shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here