Hay’adda Culimada oo ka digtay hurinta Colaad Sokeeye

0

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta uga digtay in laga fogaado hurinta Colaad Sokeeye.

Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ka digay fidnada iyo hurinta colaad sokeeye.

“Baryahan sidaad la socotaanba xaaladda dalka ma fiicna waxaan maqleynaa dad, dadka ugu yeerahaya dagaal iyo iska hor imaad, Diinta Islaamku waa hanuun, waana iftiin, waana Nuur, waxaa lagu nasaqay oo ay meesha ka saartay Jaahiliya”. Ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ugu baaqay shacabka iyo Siyaasiyiinta inay ka qeyb qaataan Nabadgelyada iyo horumarka dalka, ayna ka fogaadaan waxkasta oo keeni kara iska hor imaad bulsho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here