Hay’adda Duulista Hawada oo Beenisay Wararka Lagu Sheegay in Garoonka Aadan Cadde La Xirayo

0

Muqdisho — Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa beenisay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegayay in maalmaha soo socda la xiri doono Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, sababo la xiriira wafdiyo iyo madax sare oo kusoo wajahan magaalada Muqdisho.

 

Wararka la faafiyay ayaa lagu sheegay in labada maalmood ee soo socda la joojin doono duulimaadyada ka baxaya iyo kuwa kusoo degaya Garoonka Aadan Cadde, iyadoo tallaabadaasi lagu xiriiriyay imaanshaha madax iyo wafdiyo sare oo dalka kusoo wajahan.

Sidoo kale, wararkaasi ayaa sheegayay in qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho lagu soo rogi doono bandow ama xayiraado la xiriira dhaqdhaqaaqa madaxdaasi.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa si cad u beenisay dhammaan wararkaasi, iyadoo sheegtay in wax isbeddel ah uusan ku imaan howlaha Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Hay’addu waxay shacabka Soomaaliyeed la wadaagtay in duulimaadyadii caadiga ahaa ee imaanayay kana bixi jiray garoonka ay sidii caadiga ahayd u shaqeyn doonaan, isla markaana aysan jirin qorshe lagu xirayo garoonka maalmaha soo socda.

SCAA ayaa shacabka ugu baaqday inay iska hubiyaan xogta la xiriirta duulimaadyada iyo howlaha garoomada dalka, ayna wararka rasmiga ah ka raadiyaan oo keliya baraha rasmiga ah ee hay’adaha ay khuseyso.

Hay’addu waxay sheegtay in tallaabadan ay muhiim u tahay in bulshada laga ilaaliyo wararka aan la xaqiijin ee abuuri kara jahawareer ku saabsan howlaha duulimaadyada iyo isu-socodka rakaabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here