Hay’adda SoDMA oo gargaar gaarsiisay agoon ku sugan degmada Kaaraan

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ayaa maanta waxa ay gargaar iskugu jira qaybaha kala duwan ee raashinka ay gaarsiisay Xarunta Xanaanada Wiilasha Karaaan oo ay ku jiraan Boqolaal Caruur agoon ah taas oo ku taal degmada karaan

 

Xaruntaan oo iskugu jirta goob xanaano ah iyo goobo wax lagu baro caruurtaan agoonta ah ayaa maalmihii danbe waxa ay wajahayeen xaalad adag, iyadoo hoyga ay ku jiftaan uu yahay mid liita.

Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa ka jawaabtay codsiga Agoontaan ayaa maanta waxa ay halkaas gaarsiisay deeq mucaawino ah, waxaana goobjoog ka ahaa masuuliyiin k atirsan dowladda iyo hay’adda SoDMA.

Lataliyaha arrimaha Bulshada madaxweynaha qaranka Marwo Xaliimo cali Culusow ayaa u mahadnaqday hay’adda SoDMA ,iyadoo bulshada Soomaaliyeed ka dalbatay in ay caawiyaan caruurtaan agoonta ah.

Maama Nuurta oo gacanta ku hayso xaruntaan ayaa Guddoomiyaha SoDMA uga mahad-celisay garab istaaga uu marwalba la garab taganyahay dadka dantayar iyo agoonta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here