BELEDWEYNE (SMN) – Gudiga doorashada Hirshabeelle SEIT ayaa shaaciyay qabashada doorashada 4-kursi oo ka mid ah kuraasta Deegaan doorashada labaad ee ay tahay magaalada Beledweyne.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada kuraastan la qaban doono 14-kan bishan Febraayo ee 2022-ka.
Afarta kursi ayaa kala ah:-
1-HOP#004 waxaa ku fadhiya Maxamed Xasan Ibraahim Qoone.
2-HOP#011 waxaa ku fadhiya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
3-HOP#063 waxaa ku fadhiya Cabdullaahi Goodax Barre.
4-HOP#135 waxaa ku fadhisa Aamina Maxamed Cabdi.
Hallkna hoose ka aqriso: