HirShabelle oo war kasoo saartay howlgallada ka socda Shabeelaha Dhexe

0

JOWHAR (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Cabrdiraxmaan Daahir Karoore ayaa ka warbixiyay howlgallada ka socda aagga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Waxa uu tilmaamay in ujeedka uu yahay in xoogaga Al-Shabaab laga saaro dgemadaas iyo deegaanada ku hareersan, kadibna waxa uu sheegay inay ka qayb qaadan doonaan howlgallada ka socda Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu farriin u diray dadka siyaasadeynaya dagaalka Al-Shabaab, isaga oo sheegay inay kasoo horjeedaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda dalka.

Dhinaca kale wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in haatan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qaybta 26-aad ee ilaalo qaran ay howlgallo sifayn ah ka wadaan dhulka howdka ah ee u dhaxeeya Daaru nimca iyo Ruunirgood.

Howlgalladaan ayaa waxaa hoggaminayo Taliyaha guutada gumac ee qaybta 26-aad ee ilaalo qaran Sayid Cali Cabdi Cadaawe, waxayna ciidanku ku bur buriyeen goobo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo la gaarsiiyay xubnaha Al-Shabaab, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay Taliyha guutada Gumac Sayid Cali Cabdi.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay Al-Shabaab, maadaama laga saaray dhul aad u ballaaran oo ay kamid ah tahay degmada Aadan Yabaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here