Hoggaamiya SSC-Khaatmo oo ku dhawaaqay go’aan ka dhan ah Puntland

0

MUQDISHO (SMN) – Hoggaamiyaha maamulka SSC Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo xalay Muqdisho uga qayb-galay kulan su’aallo lagu weydiinayay ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan Puntland.

 

Cabdiqaadir Firdhiye ayaa ku dhawaaqay in Khaatumo iyo Puntland ay yihiin laba maamul oo daris ah, sidoo kalena ah walaalo ah, ayna yeelan doonaan iskaashi buuxda.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in doorashada soo socota ee Puntland aysan ka dhici doonin deegaanka Khaatumo, maadaama ay haatan yeesheen maamul madax bannaan.

“Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deegaanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye).

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli SSC ay ku jirto xaalad dagaal, maadaama ay is hayaan Somaliland, waxayna dhanka kale dadaal ku bixineysa dhismaha maamulkeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here