Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed oo Kormeeray Goobaha Doorashada

0

Baydhabo – ggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ka socoto codbixinta doorashooyinka qof iyo cod ee lagu dooranayo Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowladda Koonfur Galbeed.

 

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda habsami u socodka geeddi-socodka doorashooyinka, amniga goobaha codbixinta, iyo sida ay shacabka uga qeyb qaadanayaan doorashada.

Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa bogaadiyey dadaallada guddiyada doorashooyinka, ciidamada amniga, iyo shacabka sida nabdoon uga qeyb qaadanaya codbixinta, isagoo xusay in hirgelinta nidaamka qof iyo cod ay muhiim u tahay xoojinta dimuqraadiyadda iyo matalaadda shacabka Dowladda Koonfur Galbeed.

Ugu dambayn, hoggaamiyuhu wuxuu ugu baaqay bulshada inay ilaaliyaan nabadda, wadajirka, iyo hufnaanta doorashada si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah.May be an image of one or more people and suitMay be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here