Baydhabo – Hoggaamiyaha ku meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay xaaladda guud ee ka jirta deegaannada maamulkaasi.
Shirka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha amniga, doorashooyinka, xaaladaha bini’aadantinimo iyo dadaallada horumarineed ee ka socda Koonfur Galbeed.
Kulanka kadib, Golaha Wasiirrada ayaa soo saaray awaamiir dhowr ah oo la xiriira xaaladda guud ee deegaannada, kuwaas oo ay ka mid yihiin.
1. Ka Digista Buun-buuninta Falalka Al-Shabaab
Goluhu wuxuu isku raacay in aan afhayeen loo noqon kooxaha argagixisada, isla markaana aan la buun-buunin ficilladooda, si aan loo faafin cabsi iyo borobogaando.
2. Ilaalinta Qiyamka Madaxda Qaranka
Goluhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in aan la dhaawici karin sharafta iyo qiyamka madaxda qaranka, maadaama ay xambaarsan yihiin mas’uuliyad qaran.
3. Xakamaynta Hubka ee Gudaha Magaalada
Waxaa la go’aamiyay in aan wax hub ah lagu dhex wadan karin gudaha magaalada, marka laga reebo ciidamada ammaanka iyo kuwa loo oggol yahay ilaalinta madaxda dowladda.
4. Habraaca Xisbiyada Tartamaya
Goluhu wuxuu isla gartay in xisbiyada siyaasadeed ay sameysan karaan ololahooda, balse ay waajib ku tahay inay la socodsiiyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo kala dambeynta.
Hoggaamiye Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa ku adkeeyay xubnaha Golaha Wasiirrada in la dardargeliyo howlaha mudnaanta u leh shacabka, isla markaana la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara.
Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay go’aanno lagu xoojinayo amniga iyo dardar gelinta adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada, si loo horumariyo nolosha shacabka Koonfur Galbeed.




