Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si rasmi ah u furay Madasha Sanadlaha ah ee Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka Dowladda Koonfur Galbeed, taas oo lagu qabtay magaalada Baydhabo.
Madasha oo ay ka qeybgalayaan wasiirro, xildhibaano iyo guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiradda lagu saaray xoojinta maamulka dowladaha hoose, dardargelinta adeegyada bulshada iyo hagaajinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda ee heer gobol iyo heer degmo.
Intii ay madashu socotay, waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda amniga, iyadoo la falanqeeyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo maamullada, kor loogu qaadi lahaa amniga bulshada, loogana hortagi lahaa khataraha amni ee ka jira deegaannada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, waxaa laga dooday arrimaha dhaqaalaha, kobcinta dakhliga gudaha iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah. Ka qeybgalayaashu waxay sidoo kale isla eegeen sidii dowladaha hoose loogu xoojin lahaa awoodda maamul iyo ilaha dhaqaale ee ay ugu baahan yihiin gudashada waajibaadkooda ku aaddan bulshada.
Madasha ayaa sidoo kale lagu soo qaaday u-diyaargarowga saameynta roobabka iyo fatahaadaha la xiriira El Niño, iyadoo laga hadlay qorshayaasha ka hortagga iyo ka jawaabidda fatahaadaha, diyaarinta gurmadka degdegga ah iyo sidii loo yareyn lahaa saameynta ay roobabka iyo fatahaaduhu ku yeelan karaan shacabka, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada nugul.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka kula dardaarmay inay xoojiyaan wada-shaqeynta, si hufan ugu adeegaan bulshada, isla markaana mudnaanta siiyaan amniga, horumarinta adeegyada bulshada iyo u-diyaargarowga xaaladaha bani’aadannimo iyo kuwa dabiiciga ah.
Madashan sanadlaha ah ayaa sidoo kale fursad u ah guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka inay isku dhaafsadaan khibradaha iyo talooyinka la xiriira maamulka, si loo xoojiyo dowladnimada hoose loona horumariyo adeegyada ay dowladda u fidiso shacabka Koonfur Galbeed.





