MUQDISHO – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar shaqo ku jooga magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada Mudane George Conway.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen wasiirro ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, Agaasimaha Guud Madaxtooyada iyo sarakiil ka tirsan Xafiiska Hoggaamiyaha ayaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Bani’aadannimo ee deegaannada Koonfur Galbeed, xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso bulshada iyo sidii loo sii adkeyn lahaa wada-shaqeynta dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gurmadka iyo gargaarka bani’aadannimo.
Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulanka ku soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo dadaallada wax looga qabanayo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira deegaannada maamulka, isaga oo tilmaamay baahida loo qabo iskaashi joogto ah oo dhex mara dowladda, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee gargaarka, si loo helo xalal wax ku ool ah oo wax looga qabanayo duruufaha nololeed ee bulshada.
Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in taageerada bani’aadannimo lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan, si loo kordhiyo waxtarka gargaarka loona xaqiijiyo in dadka ay saameeyeen dhibaatooyinka bani’aadannimo ay helaan taageerada ay u baahan yihiin.




