Hoggaamiyaha militariga Burkina Faso oo sheegay in la “iska illoobo dimuqraadiyadda”

0

Ouagadougou – Hoggaamiyaha militariga ee Burkina Faso, Ibrahim Traore, ayaa sheegay in shacabka dalkaasi ay tahay inay “iska illoobaan dimuqraadiyadda,” hadal muujinaya jihada cusub ee maamulka milateriga.

 

Traore ayaa hadalkan ka sheegay wareysi uu siiyay telefishinka dowladda, isagoo ku dooday in nidaamka dimuqraadiyadda uusan ku habboonayn xaaladda dalka. “Dadku waxay u baahan yihiin inay iska illoobaan arrinta dimuqraadiyadda… waa inaan runta u sheegnaa: dimuqraadiyadu annaga naguma jirto,” ayuu yiri.

Isagoo tusaale u soo qaatay Liibiya, ayuu sheegay in isku daygii dimuqraadiyad lagu dhisi lahaa uu horseeday burbur iyo rabshado.

Hadaladan ayaa imaanaya kaddib markii dowladdiisu ay kala dirtay xisbiyadii siyaasadeed, isla markaana la hakiyay baarlamaanka iyo guddigii madaxa bannaan ee doorashooyinka. Tallaabooyinkan ayaa sii xoojiyay awoodda milateriga ee dalka.

Traore ayaa xukunka la wareegay bishii Sebtembar 2022 kadib afgambi militari oo xilka looga qaaday madaxweynihii hore, Roch Marc Kabore.

Inkasta oo uu markii hore ballan qaaday in dalka dib loogu celin doono nidaam dimuqraadi ah oo doorashooyin la qabto 2024, haddana wuxuu dib uga laabtay qorshahaas, isagoo sheegay in doorashooyin aan la qaban karin ilaa amniga dalka la sugo.

Burkina Faso ayaa wajahaysa weerarro joogto ah oo ay fuliyaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacidda iyo ISIL, kuwaas oo gacanta ku haya dhul ballaaran. Rabshadaha ayaa sababay barakac ballaaran iyo khasaaro naf iyo maal leh.

Sidoo kale, waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo caburinta xorriyadda hadalka, iyadoo la sheegay in suxufiyiin, siyaasiyiin iyo dad kale oo dhaliilay dowladda si qasab ah loogu diray jiidaha hore ee dagaalka.

Burkina Faso waxay ka mid tahay saddex dal oo Saaxil ah oo ay ku jiraan Niger iyo Mali kuwaas oo ay maamulaan dowlado militari. Saddexdan dal ayaa bishii Janaayo ka baxay ECOWAS, iyagoo sameystay isbahaysi cusub oo loo yaqaan Isbahaysiga Dowladaha Saaxil (AES).

Dhanka kale, dowladahani waxay xoojiyeen xiriirka ay la leeyihiin Ruushka, iyagoo ka fogaaday saameyntii hore ee Faransiiska ee gobolka.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in hadallada Traore ay muujinayaan suurtagalnimada in Burkina Faso ay u sii jiheysato nidaam milatari oo muddo dheer jiri kara, taasoo su’aal gelinaysa mustaqbalka dimuqraadiyadda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here