Hoggaamiyaha SSC oo booqasho ku tegay xarunta Hay’adda SoDMA + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa maanta xarunta dhexe ee Hay’adda ku soo dhaweeyey hoggaamiyaha Maamulka KMG ee SSC-KHAATUMO Mudane Cabdiqaadir Axmed (Firdhiye).

 

Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Fulinta maamulkaas iyo Ergeyga gaarka ee gargaarka u qaabilsan hoggaamiyaha ayaa kulan la qaatay Madaxda SoDMA iyagoo kaga mahadceliyay hoggaanka Hay’adda gargaarkii ay gaarsiiyeen dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool ee maamulkaas iyo dhawaacyadii ay ka soo qaadday.

Intaas kadib hoggaamiye Firdhiye ayaa ka warbixiyay baahiyaha gargaar ee ka taagan deegaannada SSC-KHAATUMO isagoo ka codsaday in hay’adda SODMA sii waddo hawlaha gargaar oo wali baahi badan ay u qabaan shacabka halkaa ku nool.

Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Tiknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif oo dhankiisa ku ammaanay Hay’adda Maaraynta sida ay ugu gurmatay shacabka gobolka Sool.

Hoggaamiyaha maamulka KMG ee Khhaatuuno Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sheegay in shacabka laascaanood ay wajahayaan xaalad adag, ayna u baahan yihiin gurmad balaaran, isaga oo hay’addaha Gargaarka ugu baaqay in ay caawiyaan shacabkaas, isaga oo sidoo kale SoDMA u mahadceliyey.

Hoggaamiyaha KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa jimcihii soo gaaray magaalada Muqdisho, isaga oo la kulmay madaxda sare ee dalka, sida madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here