Hoggaanka Ahlu Sunna oo dhaq-dhaqaaq ka bilaabay gobollada dhexe ee dalka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo maalmahan ku sugnaa caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb ayaa dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay gobollada dhexe dalka.

 

Macallin Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar dhulka ah uga baxay magaalada Dhuusamareeb ayaa gaaray magaalada Huurshe ee gobolka Galgaduud.

Sidoo kale waxaa socdaalkiisa qayb ka ah guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamul goboleedka Galmudug.

Ujeedka safarka hoggaamiyaha Ahlu Sunna ee Huurshe ayaa ah inuu halkaas u tegay siyaaro lagu qabanayo deegaankaas oo ay ku soo dhaweeyeen culimada deegaanka.

Halkan hoose ka daawo warbixinta:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here