Shirweynaha Dhiirrigelinta ee Wax-soo-saarka Dalka oo ka furmay Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Waxaa Maanta Magaalada muqdisho ka furmay Shirweynaha Dhiirrigelinta Wax-soo-saarka Dalka taas oo ay soo qaban-qaabisay shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

 

Shirkaan waxaa goobjoog ka ah Wasiirka Ganacsiga XFS Jibriil Cabdirashid Haaji Cabdi, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya,  Ganacsato, maamulka Hormuud iyo marti sharaf badan.

Ujeedka shirkaan ayaa ah horumarinta wax-soo-saarka dalka,caqabadaha haysta ,fursadaha jira iyo yididiilada mustaqbalka.

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo shiraka ka hadlay ayaa yiri”Soomaaliya waa dal hodan ah. Waxaana rajaynaynaa in uu shirkaan fure u noqdo Soomaali isku filan, oo is quudiso.”

Wasiirka Ganacsiga XFS Jibriil Cabdirashid Cabdi oo shirkaan daah-furay yaa yari” Sannadkii la soo dhaafay waxaa Soomaaliya Dibbada looga soo Dhoofiyey badeeco ku kacday in kabadan 6 Bilyan oo dollar,  halka aan anagana dhoofinay badeeco gaaraysa 50 milyan oo dollar, waxaana ka shaqeeyn donaa hormarinta wax soo saarka dalka, iyo in ganacsatada dalka isku filnaadaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here