Howlgallo ka dhacay Sh/Hoose iyo Mudug oo lagu laayay Shabaab badan

0

MARKA (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo kala duwan oo maanta ka kala dhacay gobollada Shabeelaha Hoose iyo Mudug oo ka kala tirsan maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

 

Howlgalka koowaad oo duqeyn ahaa ayaa ka dhacay deegaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaa lagu dilay 30 ka tirsan Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda.

Sidoo kale howlgalka labaad oo isna ka dhacay duleedka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa waxaa iyana lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa u qornaa sidatan:-

Howlgal Qorsheysan oo Khawaarijta khasaare xooggan lagu gaarsiiyey ayaa ka soconaya deegaanka Jilib-Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada caalamka ayaa hawlgalkan qorsheyn ka wada deegaanka Jilib-Marka oo hoostaga degmada Marka ee gobolka Shabeellaha hoose, kaas oo lagu khaarajiyay 30 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Hawlgalkan oo soo bilawday waaberigii hore ee saakay ayey ciidammada Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ku bartilmaameedsadeen goob ay isku urursanayeen Khawaarijta, kuwaas oo xogtooda la helay, iyadoo gacanta looga dhigay saanad ciidan oo dagaalka loo isticmaalo, sida ay warbaahinta qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha howgalkan qeybta ka ah.

Dhanka kale ciidanka Xoogga Dalka iyo ku deegaanka ayaa xalay xalay howgal Qorshaysan ka fuliyay deegaanka Faarax-Aaden oo hoos taga degmada Xarardheere gaar ahaan miyiga Jawle ee koonfurta gobolka Mudug.

Xoghayaha guud ee degmada Xarar-dheere maslax Macalin ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howgalkan lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta arxanka daran ee Alshabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guud ahaan dalka kawada howgallo lagu baacsanayo khawaarijta ka been sheegtay Diinteenna suubban ee Islaamka, kuwaas oo kujira maalmooda ugu dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here