Muqdisho – Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo lagu dhaawacay saddex horjooge oo sare kana tirsan Al-Shabaab, laguna burburiyay xarumo iyo gaadiid ay kooxda u adeegsan jirtay abaabulka maleeshiyaadka.
Ciidamada NISA oo muddo la socday dhaq-dhaqaaqa horjoogeyaashan ayaa weerar ku qaaday goob ay kooxda ku lahayd abaabul ciidan. Sida lagu sheegay howlgalka, dhaawacyo culus ayaa lagu gaarsiiyay Cali Xuseen oo lagu tilmaamay horjoogaha maleeshiyaadka Gobollada Dhexe, Mowliid Jiis oo ahaa wakiilka kooxda ee degmada Buulo-burde, iyo Maxamed Hiiraan oo ahaa wakiilka degmada Jalalaqsi.
Howlgallada isxigxigay ee ay ciidamada fuliyeen ayaa sidoo kale lagu beegsaday xarumo ay kooxda ku diyaarinaysay maleeshiyaad, waxaana halkaasi lagu gubay illaa shan gaari, saddex kamid ahna ay ahaayeen nooca BG, iyadoo mid kamid ah uu ku xirnaa qori culus.
Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab ah ee halista ku haya amniga iyo xasilloonida dalka.




