Howlgallo lagu dilay Shabaab badan oo ka dhacay Jubbada Hoose + Sawirro

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Jubbaland ay howlgallo culus ka sameeyeen agagaarka degmada Jamaame ee gobolkaasi.

 

Howlgalladan oo saacado badan qaatay ayaa waxaa lagu beegsaday deegaano dhaca jiinka wabiga, isla markaana ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgallada lagu dilay in ka badan 30 ka tirsanaa Al-Shabaab, welina ay sii socdaan howlgallada.

“Howlgalka oo loo qorsheeyey si heerkeedu sarreeyo laguna dilay in ka badan 30 Khawaarij ah ayaa ciidamadu ka fuliyeen deegaano hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose iyo jiinka Wabiga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda dhexe.

Sidoo kale waxaa howlgallada ka socda Jubbada Hoose lagu soo qabtay ku dhowaad 10 ka tirsan xubnaha Al-Shabaab oo ku sugaana deegaanka Baarsanguuni, sida ay shaaciyeen saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Ciidamada dowladda oo kaashanayaa kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyay  howlgallo culus ka waday gobollada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here