Imaaraadka oo dhisanaya calooshood u shaqeystayaal uga howlgala Soomaaliya

0

MUQDISHO (SMN) – Sarkaal sare oo hore oo ka tirsanaa ciidamada gaarka ah ee Faransiiska ayaa doonaya in uu u abuuro Imaaraatka Carabta askarta calooshood u shaqeystiyaal ah oo heersare u tababaran kuwaasoo ka kooban ugu yaraan 3,000 oo ajnabi ah.

 

Ciidamada calooshood u shaqeystiyaasha ee loo sameynayo Imaaraadka ayaa qaabilsanaan doono howlgalka Dibadda, iyadoo meelaha la geyn doono ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Yemen, sida ay qortay mareegta Intelligence Online.

Dowadda Imaaraadka ayaa go’aansatay inay dhisto Ciidamada calooshood u shaqeysiyaasha, u qaban doono howlgallada dibada, waxaana hanaanka lagu qorayo askarta la billaabi doonaa bisha July ee sanadkan, iyadoo uu ku eg yahay bartamaha sanadka dambe 2025.

Askarta la qorayo ayaa loo balan qaaday musharaad aad u badan, iyo dalacsiin 3dii sanaba mar, iyadoo qandaraaska tababarka la siiyay hay’ada amni oo Faransiiska laga leeyahay oo sarkaal hore oo Kumaandoos ah hogaaminayo.

Ciidamada calooshood u shaqeystiyaasha ayaa loo diri doonaa dalalka uu Imaaraadka danaha ka leeyahay iyo kuwa dagaallada ka socda qeybta ka yahay, sida Yemen, oo tan iyo 2015 Isbahaysiga Khilaajka kawadaan howlgal ka dhan ah Xuutiyiinta.

Bishii lasoo dhaafay, afar Askari oo u dhashay Imaaraadka, oo uu ku jiro madixii tababarada ayaa lagu dilay weerar toogasho ah oo ka dhacay saldhiga Jeneraal Gordon, ee magaalada Muqdisho. Weerarkan waxaa sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Imaaraadka Carabta ayaa sannadihii u dambeeyay si aad ah u maalgelinayay dekedaha ku yaalla Bariga Afrika, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla Soomaaliya, sida Boosaaso iyo Berbera, waxaana saameyn uu ku leeyahay siyaasadda iyo arrimaha militeriga dalka.

Arrimaha amniga Soomaaliya ayaa welwel ku haya Imaaraadka maadaama ay isku xiran yihiin kuwa gacanka Cadmeed iyo Badda Carabta. Burcadbadeeda Soomaalida ayaa dhawaan dib u soo laabtay ka dib dhowr sano oo ay ku guda jireen weerarada ay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ku qaadeen maraakiibta mareysa badda cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here