In ka badan 20 ruux oo ku dhintay fatahaadda magaalada Beledweyne

0

BELEDWEYNE (SMN) – Ugu yaraan 22 Ruux ayaa ku dhintay Magaalada Baladweyne, halka in ka badan 200 oo kun ay barakaceen kadib markii daadad xoogan ay ku dhufteen xarunta Gobolka Hiiraan, sida ay shaacisay Qaramada Midoobay.

 

Hay’adda UNOCHA oo Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadannimo, ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in fatahaad uu sameeyay wabiga Shabelle ay ku naf waayeen 22 ruux oo ku sugnaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Hay’adda UNOCHA ayaa shaacisay in Roobab mahiigaan ah oo da’ay todobaadkii la soo dhaafay ay buux-dhaafiyeen wabiga Shabelle, taas oo keentay Wabiga uu qararka jabsado, kadibna uu ku fataho Magaalada Baladweyne.

Qoraalka Hay’adda UNOCHA ayaa lagu xusay in xaafadaha iyo Waddooyinka Magaalada Baladweyne ay qariyeen biyo, taasi oo saameyn ku yeelatay dad lagu qiyaasay 460,470 qof, kuwaas oo ku dhawaad 219,000 ka mid ahna ay isaga carareen guryihii ay ka deganaayeen Magaalada Baladweyne.

Fatahaada wabiga ayaa sidoo kale burburisay guryo, dhul beereed, iyo xoolo, halka saameyna ay ku yeesheen Isbitaaalka guud ee Magaalada iyo goobihii waxbarashada sida Iskuullada iyo Dugsiyada Quraanka laga barto, sida lagu xusay qoraalka Hay’adda UNOCHA.

Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Idaacadda Shabella ayaa sheegay in fatahaaduhu ay noqdeen kuwo soo noq noqda iyada oo xusid mudan in dhacdooyinka loo aaneynayo isbedelka cimilada.

Boqolaal kun oo qoys ayaa ka cararay Magaalada Baladweyne ayaa haatan xaalad nolol xumo ku heysataa duleedka xarunta Gobolka Hiiraan, iyada oo aan weli wax gurmad ah halkaasi gaarin.

Labo maalin ka hor, waxaa Magaalada Baladweyne booqday wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha Hay’addda Mareynta iyo Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macalin Cabdulle, kaasi oo qiimeyn ku soo sameeyay khasaaraha ka dhashay fatahaada wabiga Shabelle.

Guddoomiye Maxamuud Macalin oo warbaahinta ku hadlay Magaalada Baladweyne ayaa sheegay in kulamo kala duwan uu la yeeshay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle iyo guddiga gurmadka fatahaada Wabiga Shabelle oo dhowaan la magacaabay.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Guddoomiye Maxamuud Macalin wuxuu ballan qaaday in 50 gaari oo nuuca xamuulka qaada kuwaasi oo ku raran cunno, daawooyin iyo dhar ay u diri doonaan Magaalada Baladweyne si buu yiri loogu gurmado dadkii ka barakacay xarunta Gobolka Hiiraan.

Si-kastaba, Hay’adda gargaarka ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan xooggan ka muujiyay masiibada ka dhacday Magaalada Baladweyne, iyagoona ku baaqay in loo istaago sidii wax looga qaban lahaa fatahaada soo noq noqtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here