NEW YORK – Dowladda Hindiya ayaa si adag u cambaareysay weerar lala beegsaday doon laga leeyahay dalkaas, kaas oo ku degay biyaha dalka Cumaan.
Hindiya ayaa falkaas ku tilmaamtay mid “aan la aqbali karin,” iyadoo ku baaqday in laga fogaado beegsiga maraakiibta ganacsiga xilli ay gobolka ka jirto xiisad ka dhalatay dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.
Doonta ayaa ka tagtay dhawaan dalka Soomaaliya iyadoo ku sii jeeday dalka Imaaraadka Carabta, markii uu weerarku ku dhacay aroornimadii hore ee Arbacadii. Sida ay sheegtay xukuumadda New Delhi, weerarkaas ayaa dhaliyay dab weyn oo ugu dambeyntii sababay in doonta degto.
Dhammaan 14-kii xubnood ee shaqaalaha markabka ahaa waxaa soo badbaadiyay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Cumaan.
Weerarada burcad badeed ayaa dib usoo noolaaday dhawaan, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ku afduubeen badda Cas iyo Badweynta Hindiya illaa afar markab, kuwaasoo mid kamid ah ay dalbadeen in laga siiyo 10 dollar oo madax-furasho ah.
Markabka shidaalka qaada ee MT Honour 25, ayaa la afduubtay 21-kii Abriil meel qiyaastii 30 mayl-badeed u jirta xeebaha maamulka Puntland ee Soomaaliya, iyadoo ay saarnaayeen 17 shaqaale ah, kuwaas oo 10 ka mid ah ay ahaayeen Pakistani.




