MUQDISHO – Dowladda Ingiriiska ayaa walaac ka muujisay dagaallada dib uga qarxay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo dhinacyada isku haya magaalada ugu baaqday inay muujiyaan is-xakameyn oo ay xiisadda ku xalliyaan wada-hadal.
Safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in colaadda ka socota Baydhabo ay khatar ku tahay shacabka iyo xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta Koonfur Galbeed.
Ingiriisku wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dagaalka inay yareeyaan xiisadda, isla markaana khilaafaadkooda ku xalliyaan wada-hadal iyo hab nabadeed.
Safaaradda ayaa sidoo kale ka digtay in dagaallada iyo isticmaalka hubka culus ay sii xumeyn karaan xaaladda bini’aadantinimo ee horeyba u adkayd, iyadoo shacabka rayidka ah ay yihiin kuwa ugu badan ee wajahaya saameynta colaadda.
Bayaanka ayaa intaa ku daray in dagaalladu ay ku soo beegmeen xilli bulshooyinka ku nool Koonfur Galbeed ay wajahaan caqabado la xiriira roobabka iyo xaaladaha cimilada ee gobolka.
Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Baydhabo, iyadoo ku celisay baaqeeda ku aaddan in la ilaaliyo shacabka, hantidooda iyo adeegyada muhiimka ah.
Baydhabo ayaa maalmihii u dambeeyay wajahaysay xiisad amni iyo dagaallo u dhexeeya dhinacyo siyaasadeed iyo ciidan oo isku haya maamulka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.



