Isbitaalkii Degmada Ceel-dheer oo u xiran amar ka soo baxay Al Shabaab

0

Dhuusamareeb (Sh. M . N.)—Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xirmay in Isbitaalka weyn ee Dagmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud.

Iyagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle, iIlo wareedyadan oo qariyay magacyadooda, ayaa sheegay in Isbitaalka ugu weyn Degmada uu xiran yahay in ka badan lix billood.

Waxaa ay intaasi ku dareen in Isbitaalku u xiranyahay awaamiir ka soo baxay Kooxda Al Shabaab maadaama Kooxda ay lacag ku soo rogeyn Isbitaalka, taasi oo keentay in ugu damebyn uu xirmo.

Ilo wareedyadan ayaa sheegay in Shacabka Degmada uu saameyn ku yeeshay xirnaanshaha Isbitaalka, maadaama aysan wax adeeg cafimaad oo haatan laga helo karo Degmada Ceel-Dheer ee Gobolka Galgaduud.

Degmada Ceel-Dheer ayaa in ka badan 10 sanno waxaa gacahta ku haya Kooxda Al Shabaab oo xiriir dhow la leh Ururka Al Qaacida. Waxaa Degmada waxaa isaga soo cararay inta badan dhalinyarada iyo waxgaradka si naftooda ay uga badbaadsadaan Al Shabaab, iyagoo sidoo kale cabsi qabay in lagu qasbo in ay ka mid noqdaan Kooxda Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here