Iska hor imaad khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya iska hor imaad u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo rag hubeysan oo xalay ka dhacay xaafadda Jamhuuriyo ee degmada Kaaraan.

Israsaaseynta ayaa ka dhalatay, kadib markii ay rag hubeysan weerar ku qaadeen bar-control oo ku taalla halka loo yaqaano Masjidka Turkiga ee degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Shabelle u sheegay in wiil dhalinyaro ah oo wadada marayey uu ku dhintay dagaalkaasi, halka uu dhaawac uu soo gaaray askari ka tirsan ciidanka ammaanka.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan iska hor imaadkaasi, balse waxa goobta gaaray ciidamo kale oo howlgal sameeyey.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro weeraro qaraxyo iyo dilal oo ay qaarkood ay sheegatay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here