Sawirro: Galmudug oo soo bandhigtay ciidamo cusub + ujeedka

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa tababar u soo xiray ciidamo ka tirsan dadka deegaanka Wasil, kuwaas oo loo diyaariyay dagaalka Al-Shabaab.

Tababarkan waxaa bixinayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug, waxaana ciidanka hab deegaanka u abaabulan lagu baray tababarka xirfado kala duwan oo ciidanka ku saabsan.

Geedi Qalabxoor, oo ka tirsan saraakiisha ciidamada tababarka bixinayay ayaa kula dardaarmay in ay xoogga saaraan sidiiĀ  Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here